Monday, July 1, 2013

Qabatiinka Dhabeecooyinka Wax lagu Helo, 1da Luuliyo, 2013

8:00am;
Hordo ka soo kacay.
8:00 am-8:30 am
Amintaan ma sii go'aansan inaan ismuraaqabeeyo. Sidaas darteed waxaan u kuur galay, arimahii ma marka wadanaka ka cusbaa. Waraysiiyo aan iska dhagaystay, shabakadana waa iska akhristay. Ma xuma arintaan waayo waxay ii sahashaa inay qormooyin xog ogaal ah inaan qabto, laakiin waa inaan arimahaan qoranaa, si qaaraan balaaran loogu suubiyo sidii dhaqsho lagu soo dhamayn lahaa dhibka gedigeen nawada haysta.
8:30-9:00
Amintaan waxaan sii waday inaan shabakadaha sii akhristo, islamarkaana waxaan bilaabay inaan ismuraaaqabeeyo.

9:00-9:30 am
Amintaan kala bar waxaan ku jiray muraaqabo ama iskorjoogto, inta kalena waxaan bilaabay maqaal qorow.
Haddana diiwaan galinta maanta oo 21 maalmood oo soo socota noqon doonta 30 daqiiqa walba, haddii aan awoodin Internet, waa diiwaangali, bacdina meeshaan ku soo qor. Qormooyinkaan waxay noqonaayaan buug loogu magac dari doono buugga 21aad. Dabeecadaha aan horayumarin doono waa qorshaynta, wax macno leh oo la suubsho. Kuwo kale oo gadaal aan ka sheegi doonaa. Safarka waa bilowday. Aminta 9:18 am, aminta EST, ama waqtiga Waashingtoon DC. Waa bilaabatay.
9:30-1:00 am
Amintaan waxaan soo dhameeyay labo qormo oo kookooban oo ku saabsan Soomaaliya, oo labo af ku kula qoran.
10:30-11:00am
Amintaan waxaan ku noqday shabakadaha, laakiin waa isqabtay, bacdina waxaan bilaabay isdiyaarin. quraac iyo qubays arimahaas.
11:00 am-11:30 am
Amintaan waxaan bilaabay inaan daacabo afkaIngiriisiga, shabakadda Lulu.com
11:30 am-12:00 pm
Aminaan wali waxaan ku jiraa bug daabacow. Arinta waxaan ku jiraa  samaynta cinwaanka,
12:00-12:30pm; Wali waxaan ku jiraa arinta cinwaanka iyo midabka buugga
12:30-1:00 pm; Buugga inta badan waa dhammeeyay, waxaan ku jiraa qormada xayaysiin aan u samaynaayo buugga wajibuugga.
1:00-1:30 pm; amintaan qayb ka mid ah waa iska nastay.
1:30-2:00 pm Waxaan ku jiray guri nadiifin.
2:00-2:00 pm; Amintaan waxaan ku jiray inaan gadaal ka saxo qormo an horay u qoray oo ku saabsan xayaysiinta.
2:00-2:30 pm Amintaan waxaan ku jiray inaan magaalo kale u safro si aan dano gaaban uga soo qabsado.
2:30 pm to 3:00 pm
Amintaan iska qadeeyay.
3:00:3:30 pm
Arintaan waxaan ku jiraa safar. Amintaan waxaan ku dhex fikiray safarka. Waxaan ogaaday inaan leeyay dhabeeco aan fiicnayn oo ah inaan wax hubsan. Marka waa xaliyay arintaan. Haddaan mar kale dagdago, waa inaan saxaa islamarkaas, haddii la saxi karo, haddii $10 waa inaan siiyaa qof miskiin ha amin dhan 15 daqiiqo gudahood, haddii kale,
3:30-4:00 pm
Amintaan waxaan kaloo bartay inaan dan ka galin waxa agtayda ka socda, aan ka masuul ahay oo kaliya waxaan suubsho, waxa kalena ay shaqadayda ahayn.
4:00-4:30pm
Amintaan waxaan tagay meeshii aan rabay, bacdina howlihii aan u tagay aan qabsaday.
4:30pm-5:00 pm
Amintaan waxaan bilaabay in gadaal u soo safro.
Waxaan bilaabay inaan si fiican uga fikiro bicshaaro aan damacsanahay aan dhawaan bilaabo.
Waxaanna ogaaday waxaan ku fiicanahay, bacdina waxaan go'aansaday waxaas inaan bicshaaro ka dhignto ayaga.

5:00pm-5:30pm
Carqalado soo bixi kara aan arintaan xaliyay.
5:30-6:00pm
Amintaan waa iska lugeeyay, fadhi badan ka dib.
6:00-6:30pm
Amintaan waxaan ku jiray socod.
6:30pm-7:00pm
Waxaan imid meel, bacdina waxaan bilaabay inaan ka shaqeeyo qorshihii gacanshiga. Waa ku ekayn waaayay, waxyaabo badan aa mashquulinaayay.
7:00:7:30 pm
Qormooyinkaan gadaal aan ka sameeyay, marka markaan saan aminsanahay, ogaal buuxa ma joogin, haddii kale, waa joojin lahaa, nacno daradaan.
7:30-8:00 pm
Amintaan waxaan la dagaalay malaayacni, waana iska diiday, laakiin maskaxda waa daashay, bacdi waa diiday inay shaqayso.
8:00-8:30 pm
Amintaan waxaan isku dayay inaan fikiro. Waxana ogaaday dhibka ugu wayn oon bicshaarada aan wado ku imaan kara inuu ahayn waxa banaanka uga yimaada, oo awoodayda ka baxsan; laakiin uu yahay waxaan samayn karo oon sameeyo, iskuna kalsoonaado.
8:30pm-9:00pm
Kambiyuutar ana ag fariistay, bacdina waxaan iska bilaabay inaan iska dawaafo.
9:00-9:30pm
Amintaan maalayacnigii aan sii wadwday, walow marar badan ay igu soo dhacday war waxaan iska jooji.
9:30pm-10:00 pm
Amintaan lacag aan iga go'in aan miiska soo saaray, waxaan dhahay haddaan shaqadayda qabsan waayo, waxaan lacagtaan siinaa qofka meeshaas fadhiya.
10:00pm-10:30
Qormadaan ku hortaal waxaan qoray amintaan.
1030-11:00pm





 

No comments:

Post a Comment