Sunday, July 14, 2013

Luuliyo 14keedii, dadaalka wayn, 2013

12:48 am
Fadlan barri go'aan cad, oo muddaysan mar walba ku shaqee. Dhabeecadaan qabotiin. Haddaan la samayn addunyo badan aa  la waynaa.

Waxaan ku riyooday labo will oo yaryar oo dab ku gubanaaya, iyo gabar yar oo ila joogta. Diiwaan gali dhacdooyinka wadanka Soomaaliya si loo garto waxa socda, bacidna loo helo talo wacan.
Diiwaan gali dhacdooyinka wadanka Soomaaliya si loo garto waxa socda, bacidna loo helo talo fiican loo helo.
Diiwaan gali dhacdooyinka wadanka Soomaaliya si loo garto waxa socda, bacidna loo helo talo fiican.
Dhabeecada labaad oon qabatiimaayo waa tartiib u shaqee la hubo. Si tartiib ah u hadal.

Qabatiinka saddexaad eber iska dhig, bacdina dag meeshaas.

Wixii kugu soo dhaca oo raaya diiwaan gali.

8 saac seexo.

Guriga nadiifi bacidna habay.
10:30-1100am
Saxsaxay wargaysyada iyo iskorjoogto yoolkeeda yahay eber iska dhig. Khaasatan kan Soomaaliga oo saacadihii la soo dhaafay aan la qorin, Astaan muujinaysa qayrul masuulnimo. Waa iskorjoogteeyay amin dhan 12 daqiiqo.
11:00-11:15 am
Haddana iskorjoogteey ilaa aad ka marnaatid.
1115-1145 am
Amintaan iska naso, ka dib markaan daal dareemay, 30 daqiiqo.
1145-12:00 pm
Iskorjoogto.

12:00-12:30 pm
Labo saac ku dhawaad iskorjoogto iyo nasasho. Saacadna arimaha wadanka. Nus saacna habee guriga. Amintaan isdiyaari.
12:30-1:00 pm
Buuxi si fiican codsiga kiraysiga goobta ganacsiga. Waa inaad eber tahay si aad shaqo fiican u qabatid, dadka qaarkood. Waxaan ahay eber hadda, laakiin cago badan kuma fadhido. Marka shaqada inay tahay sii waditaanka iseberaynta waxay sal adag u dhigaysaa ebernimada. Qaabka aana u fariisto waa isku mid, marka iskorjogtada iyo marka shaqada.
1:00-1:30 pm
Arjiga buuxi
1:30-2:00 pm
Arjiga shaqada wad. Ogaaday inaad marantahay waa lama huraan si shaqo raysa loo qabsado. Waxoogaa maalayacni ah aan badnayn.
2:00-2:30 pm
Dhammee buuxinta arjiga kirada
2:30-3:00  pm
Fasax, taleefishin iska fiirso
3:00-3:30 pm
Fasax
3:30-4:00 pm
Isbuuca inta maanta ka dhiman qorshee
4:00-4:30 pm
Isbuuca iyo inta maanta ka dhiman qorshee
4:30-5:00 pm
Dharkii isbuuca nadiifi
5:00-5:30 pm
Dharka isbuuca nadiifi
5:30-6:00 pm
Baar salli Iyo barshin la dhigo meesha muraaqabada
6:00-6:30 pm
Meel ii dhow oon ka soo qaadan karo aan helay, laakiin waa qaali.
6:30-7:00 pm
Amay isdeeqi waayaan alaabta la dalbay Iyo qolka. Qarashka waxoogaa waa batay, waa arimo iswaafajin u baahan
7:00-7:30 pm
Waxaan bartay mushkiladaha sida canjeerada oo kale waaye, marba mid qaad, dhabaradayg.
7:30-8:00 pm
Marka xalka waa meesha cabir, qolka kirayso, bacdina darmaha iyo barshinada dalab.
8:-8:30 pm
Waxaan bilaabay ka shaqaynta qorshaha isbuuca, yoolka shishe ee xarunta, jadwalka muraaqabada, casharada, doodaha, arinta gadidda talada iwm. Iibgaynta howlahaan.
8:30-9:00 pm
Amintaan gartay inaan casriyayn ku sameeyo diiwaankaan.  Labo wajiilanimo aa iga muuqata, saacad walba inaan casriyeeyo, haddaan iloobin, saan balan qaaday. Haddana masaajidka.
9:00-9:30 pm
Amintaan salad tuko.
0930-2200
Amintaan masaajidka ka cashee.
22-2230
Amintaan iska lugay, dad u sharax meesha aan rabo inaan furo. Waxaan joogay meel buuq badan, inaan ka tago aan damcay marar badan, marka markaas oo kale, waa carar kaliya, war kale majiro.
2230-2300
Amintaan waxaan ku jiray war shaqo bilow, haddana waxaan bilabaa, inaan meeshii ku laabto. Marka baraarugsanaanta waa harjad joogto ah.
22300-2330
Amintaan waxaan ku jiraa sixidda  wargaysyada, oon cabbaarahaan sixin. Waa arin muujinaysa inaan labo wajiile noqday, wax dheh, haddana wax kale suubi.
 
Wargaysyada qor wadanka Soomaaliya.



No comments:

Post a Comment