Saturday, May 4, 2013

Haddii aad ku guuldaraysatid inaad qorshaysid, waxaad qorshaysay guuldarro

Haddii cinwaanka caado kuu noqdo, ku bishaarayso inaad tahay ama astaanta guuldarada. Adoon is ogayn aad guul darro iska qorshaynaysaa.


Haddii aad yool lahayn cad oo muddaysan, kasoo marka la gaari waayo, ay lacag kaa dhimato cayiman, hee, waxaa kuu laaban shalayto iyo guul darro.

Waxaan si fiican u garanay maahmaahdaan: haddii aad ku guuldaraysatid inaad qorshaysid, waxaad qorshaysay guul darro.


Arintaan waa joogto.

Mar walba qorshe hayso, kuna mintid hirgalintiisa, ilaa ay caado kaaga noqoto qorshaynta iyo hirgalinta. Bacdi mar walba waa iska adkaanaysaa, guul joogta ah aad iskaga naaloonaysaa. Runtii waa liibaan wayn.




No comments:

Post a Comment