Waxaan seexday 5 saacadood, inta kale waa soo jeeday.
Qormo iyo sixid
Waxaan bartay qaab wax loo qoro, loona saxo, si tartiib ah, eray eray. U noolow qaabkaan, si tartiib ah, diidiinka noqo, maya daanyeer.
Ujeedo cad ma bursatay? Inta badan haa. Qorshe ma diyaarsatay? Mid hore aa jiray, laakiin diyaargarow ma jirin, bacdi fursado aa saas lagu waayay.
Muraaqabada ka hor qoraalka ama sixidda waa sameeyay. Waxayna yeelataa muraaqabada saamayn raagta maalintii oo dhan marka la suubiyo maalinta bilowgeeda. Bacdi uma baahan muraaqabo, saacado badan aan iska xamaalanaayay.
Dhabeecada waxa koowaad kow ka dhig, si kale u dhig, waxa taagan ka hadal. Dhabeecadaan si fiican aan u adkeeyay, marka laga reebo mar muhiim ahayd.
Fahan dadka marka hore, bacdina ku khasab inay ku fahmaan.
Kulli guul ama waxba ma jiraan.
Ma u nasatay? Haa. Nasasho isbuucna waa soo socotaa. Ilaahay nasasho uma baahnayn, markuu cirka Iyo dhulka abuuray, laakiin nasashada aa nala baraayay.
Qofka markuu si tartiib ah wax u qabsado, wuxuu noqonaa waxa afka qalaad lagu dhaho Alfa, waa hirar maskaxda ka dhex socda, oo tartiib u socda marka la barbardhigo kuwa kale. Axwaasha nafta waxaa dhaliya afcaasha, afcaashana waxaa dhaliya axwaasha.
No comments:
Post a Comment