Marka qofka muraaqabada ow ku jiro, waxaa ku soo dhacaaya
afkaaro badan, oo dhahaaya saan samee, ama sadaas, ama waxaas ka waran, ama
sheeko aa iska bilaabanaysa.
Marka waxaa laga yabaa, sheekada mar mar soo
dhacda ama midda iska socota, waxaa laga inay kaa mashquuliyaan inaad
tirsatid neeftaada iwm. Marka waxaa jira cod yar, oo wajiyo badan qaadan kara, oo dhahaaya saan samee, ama sidaas, kaas ood
ogtahay, ama ogaatay tijaabo ka dib, inuu yahay midka kugu hagaaya wadada toosan, kan raac Bacdina waa ka adkaanaysaa kan raba inuu ku dhumiyo. Nolasha caadiga
ahna waa sidaas.
Codka shaydaanka wuxuu ku leeyahay, shaqada jooji, bacdina wajibuug iska dawaaf, kan ku toosinaayana wuxuu ku leeyahay, sabar, oo shaqadaada qabso, ma isleeyihiin. Maxaad u raacaysaa kan raba inaad baaliyowdid? see wax kaa yihiin.
Fikradaan waxay badalaysaa aayahaaga iyo qaacidada aad ku shaqaysid oo dhan. Wadada cad ood rabtay waligaa inaad cagta saartid aad saaraysaa, bacdina waxay kuu noqonaysaa, celcelin bacdigeed, caado. Bacdi wadada cad aad iska saarnaanaysaa.

No comments:
Post a Comment