Thursday, March 14, 2013

Xeerka Niyuuton iyo Shaqada.

Waa fududahay in la sii wado wixii la bilaabay, xaqiiqatan waa adagtahay in la joojiyo wixii la bilaabay, laakiin ma fududa in wax la bilaabo;

Wixii la joojiyayna waa adagtahay in la bilaabo. Bacdi waxaa fudud inaan la bilaabin.

Marka haddaad rabtid inaad wax qabsatid xoogga iskugu gay bilowga, bacdi waa iska wadaysaa, waayo ma fududa in la joojiyo wixii la bilaabay.

Maalin walbana xoogga saar bilowga, bacdina waqti sii ay shaqadaas socoto.


No comments:

Post a Comment