Sunday, March 3, 2013

Ka Gudubka Qabatiinka Xun iyo U Gudubka Qabatiinka Fiican

Saciid udurus badan ka dib wuxuu ogaaday in howshiisa ay tahay samaynta qabatiin u shaqeeya, Sababtoo a qabatiinka waa mashiin casri ah oo leh dhammaan astooyinkii guusha, sida caqli, macangagnimo, qorshe diyaar lala yahay oo la jilaayo marka fursad loo helo, iwm.


Siciid wuxuu bartay in labo kaliya uu isku xukumi karo, haddii kale waa Iska mashquulaa, bacdina waqtiga aa ka dhammaanaaya asagoon waxba qabsan.

Mid waa markuu socdo, waa sababta Aristootal iyo asxaabtiisa loo dhaio jiray, kuwii socon jiray, wuxuu khudbayn jiray asagoo socda, markii dambena wuxuu dhistay meel beero ka baxaan, bacdina waa ku dil wareegi jiray intuu khudbaynaayo, iskoolkiisa waxaa la dhihi jiray Laysiyam.

Midda labaadna waa markuu fadhiyo asagoo neefta isku celinaaya si waafaqsan sida aan bogga Muraqaabada ama iskorjoogtaynta ku xusnay.

Labadaas duruuufo markay jiraan uu awood u helaa Siciid inuu qabsado shaqo uu lacag ke helo, ahna mid waafaqsan himilooyinkiisa shishe.

No comments:

Post a Comment