Tuesday, March 12, 2013

Caqli Ma leedahay? Haa, I tus!

Siciid waa nin caqlaani ah; ninaa hadda ka hor waxaa lagu yiri caqli ma leedahay? Wuxuu dhahay haa; waxaa la dhahay na tus. Ninkii afkuu taagay, mana dhihi karin, war Iga taga caqli ma lehiye. Wuxuu dhahay madaxa, nin maskax leh aan ahay, waxaa la yiri na tus, waxba wa keeni waayay lagu qanco. Marka dad waxaa jira jecel inay xoogga saaraan waxyaabo sida caqliga oo kale ah, la ogyahay inay jiraan, laakiin aan la dhihi karin waa kan. Sidaad darteed waxaa la dhahaa caqlaani.

Isha sawirka: oodweynenews.com
Dad waxaa jira go'aanka ku fudaada, iyo kuwo go'aanka ka leexleeda markuu xittaa habooonyahay; marka wadada ugu fiican waxaad ku dhici kartaa markaad ogaatid dhankaad jirtid, bacdina dhan kale kale isku riixdid. Aniga, tusaale ahaan, go'aan inaan qaato waa igu adagtahay, marka aamusanahay, laakiin markaan hadlo, oo iska duubo, ama aan la hadlo qof kale, ama aan socdo, waa ii fududyahay inaan go'aan gaaro. Marar badan arintaan waa iska iloobaa, bacdian mar aan tabar haayo, talada waa i gaftaa.

Waxaan sidee Siciid ugu sahlayn inuu nolol ugala soo baxo. Siciid waa caaqil, oon ula jeedo waa qof udurusa waxa la iska wada ogyahay, laakiin aan la istusi karin si taabasho lah, laakiin la isfaham siin karo, bacdina casharada uu barto oon la taaban karin, uu dadka isku dayaa inuu dareensiiyo ama garansiiyo, si ayagana u ogaadaan waxay ku fiicanyihiin, bacdina waxaas u maalgashadaan, bacdina nolol ugala soo baxaan, kuna gaaraan hadafkooda shishe oo  ah farxad buuxda.

No comments:

Post a Comment