Saturday, March 16, 2013

Muhandaska iyo Abwaanka Labadaba Murtida Waa ku soo Dagtaa ee ma soo Dajiyaan.

Shakhsiyado aan ka mid ahay waxay shaqo fiican qabtaan ayagoon ka sii fiirsan, laakiin ay ku soo dagto, sidaas darteed inay meel fariistaan dhahaan shaqo aan qabanaa ma aha qaabka ugu fiican oy shaqo fiican u qaban karaan, laakiin waa abuuri karaan jawi xikmad ku soo dagto, sida ayagoo dukada, ama Quraan akhrista ama maraaqabooda, ama iskorjoogteeya iwm.


Muhandiska iyo Abwaanka labada waxaa ku soo dhaca.

Qofka markuu daganyahay, madaxiisa sheeko ka socon, asna ow u khushuucin waxa socda laakiin ka warqabo, tusaale wax lagu qoslo markay ku soo dhacaan, uu ku qoslin, ama ka xanaaqin, markaas ay u badantahay in wax cusub ku soo dhacaan oo u sahli kara gaarista ujeedooyinkiisa dhow iyo kuwa fog. Waa ma hurto inuu ujeedo leeyahay.

Hurdada waxay lama huraan u tahay shaqo fiican in maalintii la qabsado. Qulka inuu diiranyahay waa lama huraan, dhulka qabow, dhulka kululna waxoogaa qabow, si loo seexdo hurdo fiican. Haddii baahi kale ama dareen kale ow jirina waa in la xiliyaa, ma aha in laga wahsado.

No comments:

Post a Comment