Waxaan aniga samaynaayo aan dadka ku dhahaa waxaas ay samaynaayaan. Daanyeer aan ahay aan takartiisa arkin, tan dadka kale arka.
Bacdi anoo ka macaashaaya daanyeernimadayda waxaan banaanka soo dhigaa waxay dadka wadeen, si aan aniga isku fahmo waxaan iska dhex wado.
Daanyeernimada Siciid waxaa ka mid ah saaxiibadiis intuu la fariisto ow iskaga hadlaa maalayacni, bacdi markuu damco inuu shaqaysto, ma shaqaysan karo, tabar ma haayo.
Markii ow kaligiis yahay waa isla hadlaa, bacdina wixii ku soo dhacay aa ka xanaajiya ama ka qosliya. Siciid howlahaan waxay ka dhameeyaan tabartii hartay.
Wuxuu bartay inuu dhaqdhaqaaqin, isna muraaqabeeyo si afkaaraha iyo dareenka ku soo dhacaaya ay u arbushin xasiloonidiisa.
Tan Siciid wuxuu ku badalay inuu ka hadlo waxa maankiisa ku jira si kaftan ah. Bacdi arintaan Siciid waa ka maqsuuday. Wixii daacadnimo farsamaysan lagu waayay, ma umalaynaayo in si kale lagu helay ama lagu xajiyay.
No comments:
Post a Comment