Wednesday, March 27, 2013

Ilhaamka waxa ka baxsanyahay waxa laga Warqabo

Haddii ilhaamka yahay wax ka baxsan ka warqabka, waxa laga wadqabo, bacdi waxaa laga tilmaansanaa waxaan laga warqabin, oo kugu soo dhacay.

Ilhaamka iyo dareemayaasha hadday tartamaayaan, bacdi maqnaanshaha mid waa guusha midka kale. Sidaas darteed mulhimiinta waa inay xakameeyaan dadeemayaasha, sida indhaha laaba, si ilhaamka u gurbiyo macluumaad lama huraan u ah gaarista ujeedada fog iyo tan soke.

Bacd falal sarbeebaaya ilhaam aa soo dhaaf baxaaya.
Xiliga fana, ka warqab ma jiro, dareenka waa la damiyay, bacdi waxaa shaqaynaaya ilhaamka, akhbaarahii la gurbiyay bacdi aad mar u ku baraarugaysaa.

Mulhimka bacdi waa iskaga raaxaysanaa.
Tanaa waxay kalifaysaa inuu ilhaamka in badan isticmaalo, bacdina uu khabiir ku noqdo.

Shimbiraha qaarkood waa mulhimiin, bacdi indhaha ay laabanaayaan, bacdina ma dhaqaaqaayaan, waa iskaga aaxaysanaayaan.

Mulhimiinta waxay dhahaan fahanka dareemayaasha, gabadhaan wajigeeda ma fiicna, aa ha guursan, ma aaminaan, waxay aaminaan waxa lagu ilhaamiyay oy baaritaan ka dib ogaadaan inay yihiin wax fiican.

No comments:

Post a Comment