Saturday, March 9, 2013

Sidii Siciid Nooli uga Helay Qabsashada Wuxuu ka Helay

Shalay kuma guulaysan inaan 12 daqiiqo ka shaqeeyo saacaddii, inta kalena ka ekaado maalayacni, si shaqo tayo leh aan u qabto. Ma keenin ujeedo cad, qorshe guud, qorshe gaar ah, jiscin iyo hirgalintooda, mana hirgalin.

Waxaan soo warinaynaa 30kii daqiiqo, ayadoo lix daqiiqo oo ka mid ah la qabtay shaqo tayo leh, waa bartayda wajibuug. Haddii kalena halka saac.

Doodda aan isku haysto aa ah ma howshii Muraaqabada aan xoogga iskugu geeyaa ilaa ay noqoto waxaan nolol kala soo bixi karo? Waxa kalena ma iska dhaafaa?


Haddii aan saan sameeyo waxaan helaa waqti igu filan inaan si dhakhso ah ku dhameeyo iskorjoogtaynta. Waxaan kaloo heli karaa haddana inaan sii bilaabo Jamaaco muraaqabada udurusta, ilaa ay ka naqoto Jamaaco xarun leh oo aniga aan wado, nololna aan kala soo baxo.

Haddii aan taas xoogga saarana, laakiin waxoogaa waqti ah siiyo xirfad aan leeyahay oo ayadana dalab leh, iina sahlaysa inaan nolol kala soo baxo, waxaa dhacaysa inaan ka maarmo shaqooyin aan hadda qabto.

Kolaytaba in la shaqaysto si loo naalaado waa cows jiilaal.

Arintaan xalkeekada naga fisha.

Horta inaad haysid qaab aad daruuriyaadka ku heshid waa waajib, doorasho ma leh. Xirfadda muraaqabadana intaan lacag laga helin, waa in arday laga noqdaa, lagana adkaadaa, bacdina dadka la baraa.

Muddo ay qaadanaysa. Macno ku meel gaar ah waa lama huraan. Marka shaqada fidrada aan wadaayaa iyo talo gaddidda ka faliirinnta, si loo yareeyo ama meesha looga saaro xanuun, loona bursado wixii la rabay.

Arinta waxay noqonaysaa arin qalab ama aalad u ah muraaqabada, marka mudnaanta waxaa leh tan dambe. Laakiin haddana waxaa la dhihi karaa ma kala dhacaan. Haddaan quutul daruuriga gacanta lagu dhigin barasho lama samayn karo. Marka waxay leeyihiin mudnaan is leg.

Sida caadiga ah 8 saacadood aa la galiyaa bursashada quutul duruuriga, kala barka inta la soo jeedo. Walow dadka qaarkiis ay dhahaan waa ka yartahay, haddana taas ka soo qaad.


Kala bar soo jeedka waxaan galinaayaa bursashada quutul duruuriga, inta kalena sidaan macalin uga noqon lahaa Aaladda la iskaga yareeyo ama la iskaga qaado xanuunka, laguna bursado farxadda dhow iyo midda dheer, ayadoo lagu kaabaayo waxyaabaha kale ay Diinta Islaamka tilmaamayso, sida salaadda, iyo sadaqada, taageeridda wanaagga iyo reebidda xumaanta iwm.

Yoolka shishe ee cilmiga fitrada waa garwaaqsiga in waxaan qofka ku fiicanyahay, waxaasna uu ku liito, bacdina kan isticmaal, kaasna ka moosto.

Afarta xayn oo dadka loo kala dareeriyo waxaa ka mid ah kuwa la dhaho masaali ama waxa la dhaho NF. Qoladaan akhbaaraha ay ururiyaan waa lama oga, waana dareemaan. Sasaa loo dhahaa dareeme waxaan la ogayn. Gurigiisa marka waa dareenka waxaan la ogayn.





Isha sawirka: fearlesskitchen.com


No comments:

Post a Comment