Friday, March 8, 2013

Qabo Shaqo Tayo leh Ama u Diyaargarow: Xeerarka Soo Saaridda Shaqada Tayada leh

Wali lama keenin qorshe cad iyo ujeedo go'an oy tahay in la gaaro waqti la magacdhabay, bacdi farsamooyin lama howlgalin karo, sahayna lama qoondayn karo.

Sababaha ugu wacan arintaan waxay ahayd ayadoo lagu mashquulay shaqo aan tayo lahayn qabsashadeeda.

Xalkii waa la helay. Tobonkii saac oo shaqo loo qoondeeyay, waxaan ka shaqaynaa labo saac, inta kale waa u diyaar garoobid, tusaale muraaqabo aa la bashdhabaa.

Saacaddii marka waa in la shaqeeyaa 12 daqiiqo ugu badnaan, ugu yaraana hal daqiiqo ama wax ka yar. Alaylahe waa helay.

Xeerkaan waxaa la dhahaa xeerka Bariito. Waxuu ahmiyadda siinaayaa tayaya, maya tirada.

Nin Talyaani ah aa magacaas la dhihi jiray oo dhaqaalo yahan ahay, Bareeto, ama Pareto Falfariido, ama Velfredo.

Xeerka labaad waxaa waaye waxaan wax gartaa markaan dadka hortooda taaganahay, khaasatan qaraabada, ama guud ahaan dad marka hore ku dhagaynaaya intay ku xukumin.

Xeerka saddexaad waxaa waaye markaan bursanaayo yool go'an oo mugga gaaristiisa la magacdhabay.


Xeerka afaraadna waxaa waaye markaan ka fikiro waxaan dareemaayo.

Xeerka Shanaad waa markaan ka hadlo waxaan la taaban karin si la taaban karo.

Arimahaan waxay sahlaayaan inaan beejiyo.


Arimahaan waxay sahlaayaan inaan beejiyo.

Bacdina qabto shaqo yar oo tayo badan.

Xeerka Bariito wuxuu leeyahay waxaan aa ka masuul ah helidda inta badan waxaa rabo. Waa nasiib darro marka inaadan kuwaan qabsan.

Yoolka cad marka waa $1500 inaan ka helay shaqo aan ku fiicanahay ka hor 31 bishaan, maarso 2013.

Xuriyo waaye, in saan wax loo naawilo.

Tobon daqiiqo marka waa labo daqiiqo ka shaqay ama wax ka yar. Wax tayo leh markaas wadwadid amin farobadan waad wadwadi kartaa.

Inaan la qaban waxaan tayo lahayn aa fiican.

Waa marnaanaysaa, bacdina wax tayo leh aa kugu soo dhacaaya.

Bacdina, waa iska qabsanaysaa.

Dumarkana waa iska sidaa, markii dhanka dumarka laga fiiriyana waa iska sidaas.

Hal mid aa jirta oo nolashaada oo dhan kugu filan, taas ku dheg, inta kale maalin wanaagsan.

Runtii arintaan waa arin lagu yaabo.

Tartiibtu waa ra'sumaal, الترتىب رأسمال


Sidaan waa sida jiraha ama koonka wax u wadwado.



No comments:

Post a Comment