Monday, April 15, 2013

Qorshaha Guud ee Ishorayumarinta

Waxaan bartay oon shahaado ku haystaa sida dadka loogu baraarujiyo waxay ku fiicanyihiin, iyo waxay ku liitaan.

Saas oo kale, kooxaha, ama waxa la dhaho tiimiska, waa isku aadin karaa, si markaas yoolka la leeyahay loo gaaro, ayadoo laga macaashaayo isticmaalidda qof walba wuxuu  ku fiicanyahay. Shahaado Jaamacadeedna waa ku haystaa oo khusaysa cilmu nafsiga iyo falsafadda. Macaamiisha iigu horaysa waa Samatalis, asagaan u raadinaynaa yool, qorshe guud iyo mid aminta dhow ah iyo sahayda lama huraanka u ah si ow u gaaro yoolalkiisa.
 
Labada isbuuc oo soo socota lacag la'aan ku qabo si dadka u arkaan inaad howshaan qaban kartid. Samee kaararka ganacsiga iyo qormooyin kookooban oo sheegaaya waxaad qabatid iyo sida aad u qabatid.
 
Saas oo kale, qor qormooyin dhaadheer oo ku saabsan waxaad qabatid iyo sidaad u qabatid. Saas oo kale, yuutuyuubka gali macluumaad ku saabsan sida aad isku caawisay, dadkana aad u caaawisay.
 
Dadka aad caawisay, markay u shaqayso, dheh ii qora, si aan markhaati idinkaga dhigto.
 
Muxaadarooyin ka jeedi iskoolada iyo Jaamacadaha arintaan ku saabsan iwm. Tus sida isaqoonta ay u tahay shay muhiim u ah oo loo isticmaali karo qayb walba oo ka mid ah nolosha, sida waxbarashada, xalinta mushaakilaadka, qaabaysada, shakhsiga ah, kuwa bulshada, xiriirada, shaqada iwm. Ka mid noqo ururada howlahaan qabta oo kale, kana qaybgal shirarkooda iwm.

Xayaysiin suubso.
 
 
 
 
 



No comments:

Post a Comment