Iloobaha wuu fakiraa asagoon ogayn, bacdina wuxuu kafikiraa wuxuu ka fikiray, saas owna ku ogaadaa wuxuu hadda ka fikiray. Laakiin markaan uu ka fikiraayo wixii uu ka fikiray, ma oga inuu ka fikiraayo wuxuu ka fikiray. Markaas saas ay u socotaa, mar walba waxa ow markaas ka fikiraayo ma oga. Arimahaan waxay dhacaanwax ka yar mirir, ama wax la eg ilbiriqsi.
Qofka markay maskaxdiisa kacsantahay, wuxuu ka fikirayilbiriqsiga wax u dhow, ow ka hadlaa. Sidaas darteed ma shalaayo, waxaas maxaanuga hadli waayay ma dhaho. Mar walba waa iska maranyahay, waayo wixii meesha ku jiray waa ka hadlay, bacdi meeshaas waxaa ka karsamaaya, cabbaar ka dib wax kale ow iska baranaaya.
Waxaasna wuxuu uga hadlaayaa si kaftan ah, waayeelxaajadiisa wuxuu ka dhamaystaa kaftan. Qofkan waxaa la dhihi karaa waa qof soojeeda.
Marka dambe waa iskala qabsanaayaa, bacdina wuxuu bilaabayaainuu ka hadlo waxa meesha ku jira si kaftan ah.
Qofka waxaa laga yabaa inauu isdhahao amaad sheegtaa waxdhibaato farobadan kuu keena, bacdina wax badan aad ku waysaa. Marka howlahaasha galin. Wax walba haka hadlin oo kugu soo dhaca. Jawaabta waxaa waaye, kahadal wixii fiican, waxa kalena iska dhaaf, runtii arintaan markaad kujimicsatid, waxay kuu noqonaysaa doolshe. Haddii kale waxaad iskaga jiraysaashalaysto, maxaan saas u samayn waayay iwm?
Waxa fiican oo qacda hore kugu soo dhaca ka hadalkiisa,runtii waxaa la dhahaa waa qaabka ugu fiican oo doobnimo iyo faqri looga baxay, loona helay arimo kale oo tiro badan. Wax walboo fiican waa xumaan karaan, dabkii larabay in la isku diiriyo, waa laga guban karaa, laakiin sababtaas darteed dabloogama tago.
Marka haddii qofka doorto kuwa fiican oo kaliya, ayadoolaga soo qaadaayo qof walba inuu asaga oo kale yahay, rabana wax fiican, umabadna inuu khaldamo, hadduu khaldamana waa isa sixi karaa. Jimicsi badan ka dibna, waxay u badantahay inuu howlahaan ku fiicnaado. Marka iskaga jimicso.
Maskaxda insaanka waxay mar walba la jaanqaadaa, qofkawuxuu ku celceliyo, waxaas ayna u fududaysaa inuu si fiican u qabsado, xummaaniyo wanaag, waa arin lagu yaabo.
Marka haddaad noqotid waxaan hadlin, waxaa kuufududaanaysa inaad hadlin, bacdina waxaad noqonaysaa maqane jooge ama shibane. Ceeldheer aalaga yabaa inaad gashid, oy kugu qaadanayso waqti badan inaad ka soo baxdid, siaad uga macaashtid fursado badan oo taagan.
No comments:
Post a Comment