Wednesday, April 24, 2013

Bashaash iyo Taf ama Adayg.

Dadka qaar waa dareen kuwana waa fikir; fikir ma dareemo inta badan, dareenna ma fikiro inta badan. Saas oo kale fikirka dareenka ow dhalinaayo ma oga, dareenkana ma oga fikirka ow dhalinaayo.


Dareenka waa saaxiib, fikirkana waa adadayg, marka dadka fikira waxay jecelyihiin inay adadayg dadka ka dhigaan, dareenkana inuu ka dhigo bashaah. Dareenka marka inuu barto waaye adadayg, fikirkana bashaashnimo, bacdi waa bashaash adadag, ama adayg bashaash ah.

Naxariista waa loo dhintaa, haddaad naxariis badnaato, dadka tan ma oga, qabiidnimadana waa sidaas. Xadgudubka ma fiicna.

Marka noqo qabiid naxariis badan, ama naxariista qabiid ah. Waxa xun qabiid ku noqo, waxa fiicanna, naxariis.


No comments:

Post a Comment