Dadka qaarkiis waxay dhahaan habeenkii bartamihiisa ay hurdada naga dhammaataa, bacdina maalintii marka shaqada aan ku jirno ay na qabataa, mana na daynayso. Dadka waxay leeyihiin war maad habeenkii iska seexatiin?
Marka maxaa talo ah.
1- markaad ka kacdid, horay uga noqo, bacdi markaad liin cabtid ama musqusha gashid. Hadday shaqayn wayso, tan hoose fiiri.
2- Haddaad taqaanid muraaqabo sida loo suubsho, samee.
5- Maalin walba jimicso, 10-15 daqiiqp orod.
6- Quraan akhriso ama howlo kale iska qabso.
7- Ha seexan maalintii, iska soo jeed, waxaad suubin kartid suubi, bacdi inaad iska seexatid habeenkii waa ku khasbanaanee. Hadday soo noqoto, adna ku celi.
Xal
Markaad ka kacdid, horay uga laabo. Waxaa laga yabaa inay dhammaatay xiligii hurdada qotoda dheereed, ayna bilaabatay xiligii hurdada fudud. Marka waxaa laga yaabaa inaad isdhahdid hurdadii waa ka dhammaatay. Kaama dhammaan ee mid fudud aa harsan. Marka iskaga laabo. Bacidna waa iska seexanayaaa. Waana markaan marka dadka riyoodaan.
Haddii marka riyada aad waysid, wax badan aa kaa maqan, marka jirka wuxuu kaaga dhigaa khasab inaad seexatid.
Meeshaan waaye meesha khasabka ka imaanaayo, riyo la'aan lama joogi karo. Saan ka bartay cilmi baaris hadda ka hor aan aakhriyay.
Markaas hurdo fiican seexatid, shaqo badan aa qabsan kartaa.
No comments:
Post a Comment