Horay aa laga ogaan karaa qofka inuu khiyaali u liico ama dareemayaasha; laakiin int kale ma cadda, walow qofka meeshow u jeedo ay ayadana iska caddahay inta badan, haddaad qofka taqaanid.
Dareenka ama fikirka asagana ma qarsoona, waa bashaash iyo qof adadag.
Laakiin daahfure iyo go'aansade garashadooda waxay u baahantahay xirfad.
Waxaan lagu ogaan karaa marka la waydiiyo qaabka ay ujeedo ku gaari karaan, ujeedo cad, waqti go'anna leh, sida labo daqiiqo.
Go'aansade dhib kuma aha inuu go'aan gaaro, saas oo kale waxow maraa wadiiqo horay loo maray, ma jecla daahfurid cusub.
Meesha daahfure ay ku adagtahay go'aan inuu gaaro, hadduu heli karo go'aan ma gaaraayo. Hadduu gaarana ma jecla inuu wax u suubsho si horay loo suubshay. Dhibkooda marka waa daahfur joogto ah, wixii la tijaabiyay ma aha inay daahfur ka doortaan, haddii ay waajib ahayn.
No comments:
Post a Comment