Friday, June 28, 2013

Qabatiinka Sixidda Juun 27, 2013

8:00-1000
Amintaan waxaan qoray, oon saxay wargaysyada gaarka ah iyo arinta Soomaaliya

1000-10:30 quraac iyo isdiyaarin.
10:30-11:00 ammaalayacni. Sida caadiga ah, haddii uu qorshe jirin, waxaan iska galaa maalayacni.
11:00 am-12:00 pm; shaqo muhiim ah aan haayay, walow, haddana maalayacni, iyo meeshaan iska fiiri ay iska jirtay, haddana inta badan shaqo fiican aan qabtay. Shalay, markaan dib u soo bilaabay sixidda, min kow ilaa 15, intaan waday waxaa iga shay, iska wad, buuggaan daabac, gadaal dambe aa haddii khaladaad jiraan, aad ka saxsaxaysaa. Marka fikirkaan inuu shaqeeyay aan ka baqaa. Midda kale, Soomaaliga ma laha spell checker, ama higaadiye, marka eray eray in loo saxo waaye. Marka markaan waa soo bilaabaa haddana min kow ilaaa 15, bacdina waa dhammaatay, laakiin waa eray eray.

12:00-12:30 Eray eray sixidiis aan wadaa, waxaana wali ku jiraa bogga kowaad, yoolka ilaa 15, bacdina waa ku shub waxaan kambiyuutarka, bacdina waa dhammaatay.
12:30-1:00 pm Bogga saddexaad aan ku jiraa.
1:00 pm; Waxaan ku jiray amintaan. Hadda ka dib qorsista wargaysyada gaarka ah iyo arinta Soomaaliya intaan la seexan ka hor habeenkii in l sameeyo waaye; subaxda horena lagu bilabao, muraaqabo, salaadda ka dib. Haddana shaqo. Arintaan lacag in la kor dhigo waaye, si ay u hirgasho. Maanta ka bilow, ka hor 12: 00 am, saacadda EST, waa in la dhameeyaa wargaysyada khaaska ah iyo warbixinta Soomaaliya ee maalinlaha ah, ama iska bixi $100. Arintaan waxay dhaqan galaysaa isla manta.
1:30-2:00 pm, waxaan ku jiraa bogga afaraad.

2:00 pm- 2:30pm, Waxaan ku dhammeeyay bogga shanaad. Haddana bilow bogga shanaad. 2:00pm-2:30 pm. Amintaan aan bal fiiriyo intaan dadi karo bogag badan. Waxaan ku dadaalaa inaan dado 6, 7, 8, iyo wax ka badan.
2:30pm-3:00 pm;  Ma dhicin, waxaan dhameeyay kaliya 6 iyo 7, laakiin laabasho ma leh. Haddana ku dadaal 8, 9, 10 iyo wax ka badan. Labo bog nus saacii, laakiin la hubo.

3:00 pm: 3:30 pm, :Markaan waxaan saxay 8, 9, iyo 10. Shqada markaan si fiican ay u socotaa.
3:30pm-4:15pm;  Soo laabo fasax ka dib qado iyo waxoogaa maalayacni ah. Ogaaday in malaayacniga uu kugu riixaayo maalayacni, laakiin wanaagga, waa dalacad, marka hore, waa inaad isku riixdaa tilaabo walba ila laga gaaro meesha ugu sarraysa.
4:15-5:00 pm, waa inaan maalin walba haystaa jadwal aan la dhaafi karin, ama lacag la iska baxsho, haddii aan ahayn, waxaan go'aansaday inaan maalinta u isticmaalo maalayacni.
Amintaan waxaan dhammeeyay 11, 12 iyo 13.
5:00-5:30 pm; amintaan waxaan dhameeyay 14 iyo 15.
5:30 pm-7:15pm; waa saacad iyo 45 daqiiqo waxaan iska jiray safar iyo howlo kale, oon horay loo qorshayn.
7:15pm-9:45pm; waxaan kambiyuutarka ka saxay illaa 12 bog. Celcelis waxaan buugga ka shaqeeyay 7 saacadood. Meesha shalay aan buugga ka shaqeeyay 9 saacadood. Marka waa iska caddahay inay inaad jadwal leedahay bacdina aad hirgalisid, haddii kale waxaad iska galaysaa maalayacni, aminta iyo shidaalkana waa dhammaana, bacdi talo aad haynaysaa, laakiin tabar maya.




No comments:

Post a Comment