Seexday: 1200 am, EST.
Ka kacay: 0840 am, EST. Isma korjoogtayn, intaan seexan ka hor, marka waxyaabo aan ka fikiraayay. Warkaas jooji, iskorjoogtay, 8 saac ka badana ha seexan.
0840-10000 Saxsax wixii shalay, arimaha Soomaaliyana wax ka qor.
1000-1130
Iskorjoogtayn aan galay waxoogaa maalayacni ah, diyaargarow, haddana shaqo aan diyaar u ahay.
1130-1147 am
Shaqadii kowaad. Shidaal badan aan haystaa. Si fiicanna waa u nastay. Daganaansho aa jirta.
1147 am-1230pm
waxaan fiirinaa intay igu qaadato inana saxo hal bog.
Hal bog wuxuu qaatay 27 daqiiqo. Waxaa jirtay inaan cilmi baaris akhriyay, si aan wax uga ogaado waxaan rabay inaan qoro. Aminta hadda waa 1215 pm.
1230-1300
Haddana marka kale waxay qaadatay, ayadoon jirin wax cilmi baaris ah 27 daqiiqo in la saxo hal bog.
Marka shaqada waxay u muuqataa labo bog saacaddii. Waxaa dhiman hadda 13 bog, waxaa loo baahanaa lix saac iyo bar. Intaas maanta waa haynaa.
Boggii 13aad waa la dhameeyay, kii 14aad qaar ka mid ah aan saxay 20 daqiiqo gudahood. Laakiin waxoogaa dagdag ah aan isku arkay , marka 15 daqiiqo oo nasasho. ah.
1300-1340
Kii 14aad waa dhameeyay. Kii 15aad aan ku jiraa. Kii 13aadna waa ku laabtay gadaal aan u saxay. Intaas oo dhan 15 daqiiqo.
1401400
Boggii 16aad aan dhameeyay iyo kii 15aad. Haddana kii 17aad.
1400-1415
1400-1415
Kii 17aad waa dhammaaday, 14 daqiiqo.
1415-1445
Boggii 18aad aan ku jiraa. Qofka markuu dagaal kula jiro libaax raba inuu cuno, wax kale kama fikiro, ka badbaad bahalkaan kaliya aa madaxiisa ku jirta. Saas oo kale, qofka raba inuu xoolo kala soo baxo wuxuu ku fiicanyahay waa inuu saas u fakiraa.Markaas qofka kalsooni aa galaysa, inuu meeshuu rabo tagi karo.
1445 fasax
Afar saac Iiyo 15 daqiiqo oo shaqo ah.
1618-1648
Howlo aan qabsaday, maalayacnina waa iska galay amin dhan saacad iyo bar.Nasasho Iyo iskorjoogtayn.
Howlo aan qabsaday, maalayacnina waa iska galay amin dhan saacad iyo bar.Nasasho Iyo iskorjoogtayn.
1648-1748 Saacaddii kowaad aa dhamaatay, 5 daqiiqo oo fasax ah. Tan aminta la shaqeeyay waxay ka dhigaysaa shan saac Iyo bar.
1718-1806
Waa dhammeeyay buugga 23 bog, uu ahaa, 17 daqiiqo ka yar aan ku dhameeyay labo bog. Buuggii sixiddii labaad meeshaas ay ku dhamaatay. Marka hadda waa inaan daabaco, bacdina saxo, mar kale, bacdina sixiddaas meesha ku daro. Bacdina mar kale kor u akhriyo, bacdina meeshaas uu ku dhammaanaa buugga.
1835-1905
Waa orday.
1905-2230
Waxaan iska qabsaday shaqo I sugaysay, laakiin gadaal loo dhigi karay ama waqti Intaas ka yar lagu qaban karay.
2230-1247
Casho aan iska karsaday, arinta Soomaaliya aan wax ka qoray, bacdina waxaan ku daabacay shabakadda warka mareeg, bacidna waa iska tukaday, bacdian waa iskorjoogteeyay, bacdina si fiican aan u seexday, wallow aaan saacad ka dib dhacay jadwalka. Arintaan sidi wax looga qaban lahaa waa arin manta ii taala. Salaamaat.
No comments:
Post a Comment