0000-0800
Waa hurday. Amintaan, markaan saan sameeyo, waqtigii aan sii qorsheeyay seexdo, waxaa dhacaysa inaan si fiican u seexdo, bacdina ku daalo sariirta jiifkeeda. Bacdina maalintii oo dhan nasashada ama sariirta u arko karaahiyo iyo wax loo baahanyahay in amin badan laga maqnaado.
8:00 am-11:20 am
Amintaan waxaan saxsaxay wargaysyada khaaska ah iyo arimo ku saaabsan kuwa Soomaaliya, arimo kalena waa ka shaqeeyay. Howlahaan waxay ku fiicanyihiin in la suusbsho intaan la seexan ka hor. Waana qorshaynaayaa in amintaas la qabto, ama maalinta dhexdeeda. Si markaas subaxda hore loogu mashquulo waxyaabaha nolosha lagala soo bixi karo.
11:20-0930pm
Amintaan waxaan ku jiray shaqo, marka laga reebo, amin aan fasax qaatay. Waa sagaal saacadood. 7 saac oo ka mid ah waa shaqeeyay.Waxaana saxay buug af-Soomaali ah oo soo bixi doona 30ka bishaan.
09:30pm-12:00 am
Meel aan iska fariistay, bacdina waxaan bilaabay inaan wax iska fiirsado aan saas u xiiso badnayn. Waxaa igu soo dhacday, war ninyahow meehsa ka tag, haddana kama tagin, bacdi meesha waxaan ka kacay markay ahayd 12:00 am.
12:00-12:45 am
Amintaan waxaan ku jiray muraaqabo ama iskorjoogto. Sida muuqata, waxay ahayd iskorjoogto in la suubsho intaan maalayacniga ku jiray. Maanta arintaas ka tasho. Caadana suubso.

No comments:
Post a Comment