Tuesday, November 6, 2012

Xeerka 3da Mirir iyo Wahsiga




Dadka udurusa shukaansiga waxay dhahaan shukaansiga bilow 3da mirir ee ugu horeeya, haddii kale filinka waa dhammaaday.
Dadka guud ahaan caajiska aduunyo badan kala tagay, waxaa lagu waaninaa inay xeerkaan meelo badan u isticmaalaan, si  ay caajiska uga adkaadaan.

Wax walba oo la qabto waxay ugu adagtyihiin marka la dhamayn rabo iyo marka la bilaabi rabo, marka tan maanka ku hay, maalin walba.
Dadk meel sare nolosha ka gaaray waxay dhahaan waxaa noo sahlay, arintaan qayb ahaan, diirad saaridda ama tuuntuunsiga. 

Marka si tan aad u suubisid, dooro waxaad rabtid inaad heshid ama soo saartid, bacdina shaqo ka dhigo sidii tan loo soo saari lahaa. Tan waxay kuu sahlaysaa inaad meel diiradda saartid.

Anaga tan waxaa noo ah sidaad caawa ku heli lahayd qof dumar ah oo kaa heshay, adna aad ka heshay, bacdina aad bilowdeen qorshe mudada fog ah.
Markaad jimicsatid, orodid, tusaale ahaan, waxaa dhacaysa inay kaa yaraato rabitaanka aad u qabtid inaad shabakadaha iska dawaaftid ama maalaa yacni iska wadwadid. Safar xagga lugta ah oo dheer oo lagalana waa sidaas.

Marka tan waxay kuu sahlaysaa inaad qabsatid waxyaalaha kuu sahlaaya inaad heshid waxaad rabtid.

Arintan marka waxay ku siinaysaa kalsooni, aad dumar farobadan ku heli kartid, sababtana waxaa waaye kalsoonidaada.

Raashinka

Isku day inaad cuntid, haddaad heli kartid, raashin dheeli tirin oo ka kooban, badar, waa kan ugu badan, bacdina waxaa ku xiga khudaar iyo miro, bacdina waxaa ku soo xiga digir iyo waxyaalaha laga helo xayawaanka, sida caanaha iwm; bacdina waxaa ugu dambeeya macmacaanak, biyo badanna cab.

No comments:

Post a Comment