Marar waxaa jira ay kuu fududahay inaad qormooyin badan oo tayo leh suubisid.Markaan suubso.
Saas oo kale marar waxaa jira ay kuu sahlantahay inaad lacag badan tacbatid, tacbo markaan.
Saas oo kale, waxaa jira marar aad haysatid fursad dalkaaga aad nabad iyo xor uga dhigi kartid, markaan ka dhig. Waqtiga waa ma huraan, marka yuu ku dhaafin. Hirka iyo waagaba dadka ma sugaan.
Culumada Sayniska waxay dhahaan hirka iyo waaga labo ma kala aha: waaga waxaa lagu cabiraa hirka, laakiin taas ma aha mowduuceena caawa.
Maray maanta kaga dhowdahay in dalka xor iyo nabad laga dhigo iima muuqato, marka Dowladda Soomaaliya hala taageero sidii dalka nabad iyo xor looga dhigi lahaa, maamulka jirana uu u noqon lahaa mid doorasho ku yimaada kuna taga, sida haddaba ka jirta meeshuu ka yimid Axmed Godane, Hargaysa.
Ama haddii aadan waqti hayn, ururso, bacdina gadaal ka qoro. Saas oo kale, haddii aadan awoodin hadda inaad dowr facaal ah ka ciyaartid arimaha Soomaaliya, gadaal dhigo, laakiin ha daahin, fursad wayn aa jirta, loo looga takhalusi karo xoogga raba dalkaan inay kaligii talisnimo ku celiyaan ayagoo ku gabanaaya shareecada Islaamka.
Dumarkana waa sidaas, mar waxaa jira ay ku rabaan adna aad rabtid, daaqadaan waa xirantaa, marka intay xirmin ka hor, meel wax isla dhiga; xeerkaan waxaa la dhahaa xeerka ukinta birta, intay kulu shahay qaabee.
Dadaa waxaa jira markay fursad haystaan, dhagax noqda suran, xalka ma adka; gabar walba oo ka soo hor baxda maalin walba salaan, bacdina iskala kaftan, adoo ka kaftamaaya runta; qof furfuran noqo; bacdi waa kuu fududaanee inaad la hadashid midaad ka heshay, ayadana kaa heshay.
Dadka qaarkiis waxay dhahaan war ka warama haddii si xun la iila hadlo, ama jac la igu dhajiyo, ama ay igu dhacdo wax ka sii daran; tan waa qiimaha aad ku bixinaysid si aad u heshid mid kaa heshay, adna aad ka heshay.
Wixii dhacaaya ha dhaceen, shaqadaada ma aha, waxa meesha ku jira sheeg, bacdina ka soco. Waxoogaa iska naso, bacdina meesha ka bilow. Dadka udurusa shukaansiga waxay dhahaan kan waa furaha dumarka.
Runtii waa furaha nolosha; adiga shaqadaada qabso, kana soco, u naso, bacdina ku celi, ilaa aakhirka. Haddii qof walba saas sameeyo, dalka Soomaaliya wuxuu helay nabad iyo xuriyo.

No comments:
Post a Comment