Adiga shaqayso, ama qof kale qof kale u shaqee. Waa
adagtahay inaad isku shaqaysid, marka hore, laakiin gadaal dambe , waa ka
fududahay, waxayna noqotaa arin la mahdiyo, maxmuud.
Labo maadaa kalifta inaad shaqadaada qabsatid: kow, inaad
dhahdid, haddii aan qabsan waayo, intaas oo addunyo ah aan bixinaa. Haddii aan
qabsadana, intaas aan helaa.
Shaqada waa labo, mid waa nooli, midna waa iska qabso,
wax hel ama helin. Yoolka nolosha waa in tan dambe laga dhigo tan hore, iska
qabso in laga helo nooli. Tanaa loola jeedaa dookhaaga shaqo ka dhigo. Runtii
waxay arintaan sharixi kartaa horayumarka ay gaartay duni badan.
Tan waa inaad si joogta ah u qabsataa, ee ma aha inay noqoto, wax
maalina la suubsho, maalina la iska dhaafo, maalinlay waa inay noqotaa. Si ay
caado kuugu noqoto. Runtii, markay caado kuu noqoto, aad xoroobaysaa.
Ogow waxaa tirsama qabatiin, wuxuuna dhacaa joogtayn ka
bacdi. Si tan u dhacdana kharash bixi, haddaad howshaada qabsan waysid, haddii
kalena waa abaal marin.
Aniga waxaan shaqo fiican
qabsadaa, markaaan si goos goos ah wax u naawilo; halista markaa waa
inaan galo baabab kale, laakiin haddaan dhiifoonahay, waa ka dabaashaa inta
badan
Waxaana ugu shaqo xumahay markaan si xiriir ah wax u
naawilo, saacado badan; si xiriir ah in wax loo naawilo, ogow, waa lidka goos gooska.
Goos gooska, ma aha in la magacdhabo, waayo waa wax iska
cad, laakiin saanuu u dhacaa: bilow, jooji, haddana bilow, jooji, ilaa
dhamaadka.
Marka waxaan qoraa markay bahasha igu soo dhacdo, bacdina
gadaal dambe si buuxda u diiwaan galiyaa, wixii ugu soo dhacay, bacdi qormada
waxay noqonaysaa goos goos la ururiyay.
Habka noocaan ah in wax loo naawilo waxay ka walax tahay
talantaaliga dawaaliga ah. Marba waxaad
naawilaysaa, waxa meesha ku jira.
Runtii nolosha waa labaalay; marka qofka wuxuu ka fikiraa
siduu dalkiisa nabad iyo xor uga dhigi lahaa, marna bariis iyo nolol maalmeedka
uu ka fikiraa, ama siduu u taakulayn lahaa qaraabadiisa iyo sekeeyaha guud
ahaan. Howlahaan qofka markuu waajaho wuxuu noqonaa xayraan.Marka naawil talantaaliga,
waa xal.
Si kale u dhig, labaalay wax u qabso, wixii kugu soo
dhaca qoro, ama wadwad, waxaasoo fiican, fitrada Eebe dadka ku abuuray aa u kala
sheegayso wixii fiican iyo wixii kale.
Wixii ku dhibana, dheh waa xaliyay, bacdina iswaydii sida
maskaxdaada howlahaan ku xalisay, maskaxda marka waxay xoogga saaraysaa xalka,
inta badan laakiin islamarkiiba jawaabta waa bixisaa, ayadoo ku xasuusinaysa
arin la mid ah arintaan. Dadka inta badan arintaan ma dhacdo, ama ma gartaan.
Maskaxaha qaarkood waxay ku hadlaan xusuusinta arin la
mid ah, kuwo kalena si kale.
Dadaa waxay ku leeyihiin waxaan faraha kula jirnaa arin
aan ognahay inay noo fiicnayn, sida dawaafka shabakadaha bilaa yacni, ayadoo
shaqo kale noo taalo, ama fawaakih kale oo xiiso badan la heli karo: ka kaca
meesha
Runtii qacda hore oo la qabsado waxaad u qabtid inay
fiicanyihiin waa asluub lagu eedeeyo inay ka masuul tahay horayukaca
insaaniyada.
Dumarka tusaale ahaan, ragga sida fudud ku hela gabar ya
ka helaan waxay dhahaan 3 mirir oo ugu horeeysa haddaad dhaqaaqi waysid,
filimka waa dhamaaday, sidaasna waa lagu dhaqaa, ka hadalka waxa kugu soo dhaca
qacda hore.
Yoolka nolosha waa in runta laga hadlo, laakiin looga
hadlo si farsamaysan.
Waaga iyo hirkaba ninka ama marwada ma sugaan.
Lacag, nabad, xuriyo iyo waxyaabo kale oo farobadan
helkooda iyo wayntooda waxay dhacdaa 3 mirir oo hore. Marka markaad ogaatid,
inaad faraha kula jirtid, waxaan fiicnayn, isla markaas ka bax, bacdina dabaal
dag.
Waxaas oo dhan waxaa kasii fiican inaad waqti qaadatid,
bacdina waqtigaaga qorshaysid, bacdina qorshaha ku dhaqaaqdid. Marka ma jirto,
sabab aad u wadwadid waxaadan rabin, caajis dartiis.
No comments:
Post a Comment