Saturday, November 3, 2012

Ku Jimicso Samanta Waxaad Ogtahay inay Fiicanyihiin.

Subax walba markuu qofka soo kaco waa waa cusub, wata imtixaanadiisa iyo abaalmarintiisa. Marka u diyaargarow.

Wax wabla oo fican marka hore ma fudada, bacdi inaad isku qasabtid waaye marka hore, haddii aad samayn waysid, bacdi waxay noqonee wado furantay. Islamarkaasna waxaa sii adkaanaaya inaad suubisid wixii fiicnaa.

Taas lidkeedna waa jirtaa. Marka hore, hadaad qabsatid waxaad ogtahay inay fiicanyihiin in la qabsado, waxaa kuu fududaanaaya inaad wax kale oo badan qabsatid, bacdina wixii aan fiicnayn, sida maala yacniga aa kugu adkaanaaya inaad qabsatid.

Ilaa marka dambe waxa fiican ay doolshe kuu noqdaan, waxa aan fiicnayna ay bir kugu noqdaan.

Marka mirir walba waa doorasho, ama kor aad u socotaa, ama hoos, janno ama jahanamo, adaa doorasho leh.

Tusaale Shukaansiga
Markaad subaxdii soo kacdid, haddaad aragtid, gabar aad iska hesheen, bacdna aad dhahdid, war qofyahay waa iska helnay, marka hadda aan israacno ama marka kale, sida adiga waqtiga kugu yahay.

Hadaad saan suubisid, waxaa kuu fududaanayso inaad dumar badan shukaamisid ilaa aad ka heshid mid adigana aad rabtid ayadana ku rabto.

Laakiin haddii midda hore aad la hadlin, adoo og inaad israbtiin, bacdi waxaa fududaanaysa inaad  la hadlin dumar aad ogtahay inaad israbtiin oo tiro badan.

Bacdina meeshaas waxaad ku waynaysaa fursado badan.

Lacag tacbashadana iyo meel ka gaarista siyaaasadana waa sidaas, si dalka u helo nabad iyo xuriyo jiilal badan ku naaloodaan, loogana takhaluso kuwa raba inay dalkaan xoog ku qabsadaan bacdina say rabaan ka yeelaan, waa in la qabsadaa wax marka hore adag, laakiin gadaal dambe ka fudud, la iskana dhaafaa waxa marka hore fudud, laakiin gadaal dambe ka adkaada.

 

No comments:

Post a Comment