Walow aan horay u qoray inay jirto amin qofka ow awood u leeyahay inuu shaqo fiican qabto, haddana ay tahay inuu amintaas shaqada qabto, haddana shalay arintaas ma aaminin ee waxaan tijaabiyay inaan ku xisaabtamo waqtiga, kuna saleeyo intaan shaqeeyay aminta aan shaqada qabtay. Arintaas waxay iga galisay daal Iyo dareen ah waqti badan aad shaqaysay.
Waxaan jeclahay inaan si xiriir ah 8 saacadood u shaqaysto.
Horayumariyo murqo ii sahlaaya inaan 8 saac Iyo wax ka badan maalin walba shaqaysto, bal ilaa 16 saac, haddii ay macquul tahay.
Laakiin arintaan waxay ku suurta gali kartaa anigoo seexda 8 saac oo hurdo ah. Tusaale ahaan, xalay waxaan seexday 6 saac Iyo afar daqiiqo. Marka waxaa iska jira daal, diidaaya maalintii oo dhan inaan shaqo fiican qabsado.
Marka arintaan waxan isku dayay inaan xaliyo laakiin ma xalin. Barri waxaan soo warinaayaa inaan xaliyay arintaan.
Waxaan xasuustaa u nasashada lagu nasto sariirta korkeeda inuu xal u yahay daalka. Arintaan maanta waa la samaynaa.
Waxaa jirta inaan shaqayn jiray 16 saac ku dhawaad mararka qaarkood, aritnaas waxaan rabaa inaan dib u bilaabo si aan shaqooyin qiimo badan islmarkaasna tiro badan u qabto.
Marar waxaa jira shaqada aan qabto ay noqosho lahayn. Waana middaas midda dadka rabaan, anna aan rabo. Markaas kaliya aan shaqo qabsadaa, shaqo tayo leh. Taas aana caan ku noqday.
Qaabayso. Arin waxaa jirta aan kaa tagayn ilaa la xaliyo, sida daalka nasashada raba. Xali.

No comments:
Post a Comment