Friday, June 7, 2013

Astaamaha fiifiican ee dhaliya horayumarka la taaban karo, oo la magacdhabay.

Shaqo sanado I sugaysay oon manta qabsaday. Waxay igu qaadatay 10 saacadood. Casharkii laga bartay meeshaan waxaa waaaye, waxaas iyo waxaas amintaas aan qabsanaa, dheh, bacdina qabso, ama lacag iska bixi. Haddana ku celi. Ha ahaanin tan la'aanteed, marka laga reebo markaad fasaxa iskaga jirtid.

Caado ka dhigo. Arintaan waxay noqonaysaa barnaamijka aan ku howlgalo.

Tan waxay kuu sahlaysaa inaad lacag ka heshid waxaad ku fiicantahay. Waxaad noqonaysaa qof balan leh. Waxaa kor u kacaaya niyadaada. Waxaa ku galaysa kalsooni. Lama soo koobi karo macaashka ay arintaan leedahay. Xitaa markaan qofka waa qurux badnaadaa.


Khasaaraha ay leedahay lidkeedna lama soo koobi karo. Waa niyad jab. Qofka aan balanta lahayn waa munaafaq, waa labo wajiile, wuxuu leeyahay naarta am holaca meesha ugu hoosaysa. Sababtana waxaa waaye munaafaqnimadiisa.

Astaamaha labo wajiilaha waxaa waaye inuu balan galo, bacdina ka baxo, asagoon haysan sabab macquul ah. Labo, inuu been sheego. Saddex, marka la aamino inuu khiyaano.

Marka manta wixii ka dambeeya waxaan go'aan iskaga gaaray inaan maalin walba balan galo, bacdina ka soo baxo, ama bixiyo ganaaxa ka dhalanaaya ka soo bixid la'aanta balanta.

Runtii qofka markaan uma baahna maalayacni. Macaan ka badan ma jiro qofka inuu balan leeyahay, bacdina ow ka soo baxo. Saasna u shaqaysto. Waa raaxo.

Sababaha shaqo loo qabsan waayo waxaa ka mid ah ayadoon la ogayn inta ay qaadanayso, marka waqtiga hore ee balanta ha noqoto in la ogaado intay qaadanayso in shaqada la qabsado. Waxaa la yiri inta badan waa yaraysanaa shaqada intay qaadanayso. Marka tan iska ilaali.

Waxaa kaloo shaqooyin badna loo qabsan karaa, markaad isticmaashid qaacidada ama fadhiga dhahaaya qaybi oo xukun; marba wax yar balanso, bacdina qabso. Ama markay ku haboontahay qabso.

No comments:

Post a Comment