Wali waxaan ku jirnaa su’aashii ahayd sidee ku heshay cishqi, lacag badan, siyaaso shaqaynaysa, nabad iyo xuriyo adoo dalkaaga ku jooga, ama meelo kale iska dawaafaaya, qabsada shaqada aad jeceshahay inaad qabsatid, sidee arintaan ku dhacday, jawaabteeda hoos.
Nin caan ka ha dalka Maraykanka oo la dhaho Antoni Robbinis, wuxuu dhahay, asagoo sharaxaaya
sababaha u sahlay inuu meel sare nolosha ka gaaro, tuuntuunsiga, ama diirad
saarowga. Markiiba hal meeluu diiradda saaraa, sidii daanyeerkii mar meel kuma bood boodo.
Ninkaan wuxuu ka midyahay dadka udurasa sababaha dhaliya in meel sare nolosha laga gaaro.
Marar badan waxaan arkay aanigoo aan qabsanayn hoshii aan
rabay inaan qabsado, oo meel kale iska aadaaya. Bacdia waqtiga aa iga idlaada,
dhamaada.
Waxaan alifay marka, anagoo xaaladaan iska jira, mashruuc
howlahaan lagu maareeyo oo la dhaho mashruuca dawacada.
Mashruucaan, ikhyaarow,
wuxuu leeyahay shan shan daqiiqo u shaqayso, waxaad dhahdaa howshaan yar kaliya aan qabsanaa, intaan bas. Bacdi sidii dawacadii habeenka dhaxanta badan jirtay,
codsatay inay qolka soo gasho, bacdina,
maro la siiyo, bacdina sariirta, bacdina barkin bacdina wax kale, saas samee, marba wax yar.
Marka mar walba waxaad dhahdaa intaan kaliya aan
suubinaa, bas, haddana intaan kaliya.
Xeerkaan marar badan uu waqtiga iga
idleeyay, xiligii aan waqtiga ka idlayn lahaa aa la soo gaaray. Waa la iska daba yimid. Intaan yar kaliya. Runtii dadka meel sare nolosha ka gaara astaamahaan ay leeyihiin.
Xeerkaan waxaa ku lifaaqan xeer kale oo la dhaho xowliga.
Wax yar aan suubinaa markaad dhahdid, haddana waxaa ku galayso, waxoogaa badi,
haddana badi, ilaa akhirka jawiga uu isbadalo, bacdina isma celin kartid, waxaad leedahay war waxaan iska wad, meel aad ka noqotid ma joogtid. Runtii mar walba waa noqon kartaa, isla xeerka lee adeegso, wax yar, haddana wax yar, iwm.
Shukaansiga marka xeerkaan u adeegso, gabaryahay inaan ku
salaamo kaliya aan rabaa. Wax wayn waligaa gabar ha waydiisan. Wax yar lee. Haddan
wax kaloo yar. Haddana wax kaloo yar, ilaa aakhirka.
Shaqadana waa sidaad, sidaan soo magacdhabay; marka walba dheh wax yar kaliya aan qabanaa, tusaale, hal sadar barkiis aan qoraa, haddana sadar kale,iwm.
Nabad iyo xuriyo aa Soomaaliya laga helay, Axmed Godane
iyo inta la jirta waa ka quusteen inay dalkaan xoog ku qabsadaan? Iyo xitaa
shisheeyaha Axmed la damaca ah.
Sidee ku dhacday arintaan, waaba dhacdaye? mar walba wax yar samee, haddana wax yar,
haddana wax yar. Ha yasin waxa yar ood qaban kartid. Digniin dad ha dhibaatayn,
si nabad ah wax u naawil.
Haddaad rabtid inaad dagaalantid Soomaaliya aad,
bacdina qoro ciidanak xoogga dalka Soomaaliya, CXDS, dable ka bilow, ama sarkaan haddaad aqoon leedahay, bacdina Shebaab ku khasab
inay nabadda ka shaqeeyaan, bacdina urur siyaasi ah noqdaan, si Dowladda dalka
ka jirta u noqoto mid doorasho ku imaata kuna tagta, sida haddaba ka jirta,
meeshuu ka yimid Axmed Godane, Hargaysa.
Sida muuqata haddii aad si tartiib tartiib ah wax u
qabsatid, si miyir leh aad wax u qabsanee, waana wixii aan rabnay, oo ahaa
inaan si miyir leh wax u qabsano, si hadafkeena aan u gaarno.
Marka kale, u shaqayso sida dawacada oo kale. Dawaco iska noqo.
Laakiin noqo, adoo raali ah, dawaco fiican, oo ka shaqaysa wanaagga.
Runtii casharkaan waa cashar taariikhi ah. Dowoconimada waa nidaam shaqo tiro badan oo tayo leh lagu qabsan karo, mar walba wax yar. Runtii waa u dabaaldagaynaa casharkaan dawacanimada.
Source of the picture: animal bunny cat fox sheep trickster
konachan.com
No comments:
Post a Comment